Wararkii Ugu Dambeeyey Xaalada Magaalada Marko

0
171

Marko(INO)- Wararka Saaka naga soo gaaraya  Magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka halkaasi laga dareemaayo deganaansho aan cago badan ku taagneyn .

Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Magaalada Marko waxaa ka socday dagaallo culus oo u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed.

Qof ka mid ah dadka kunool Magaalada Marka ayaa Idale News Online u sheegay in Xaaladu ay Saaka degan tahay inkastoo Marar qaarkood la maqlaayo rasaas goos goos ah.

Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ayaa la sheegayaa in uu hakad ku jiro iyadoo oo Dadku ay ku jiraan Guryaha,islamarkaana aysan u suuragalin in ay ka barakacaan Xaafadaha lagu dagaallamayo.

Xaafado dhowr ah ayaa la sheegayaa in uu dagaalka sameyn ku yeeshay,kuwaa oo ay ka mid yihiin Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan.

Ugu dambeyntii, mWaxgaradka labada dhinac ayaa waxaa ay ku baaqayaan in la joojiyo dagaallada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeelaha Hoose ee ku saleysan Anooyinka Qabiilka,

Idale News Online, 2017