Daawo: Xildhibaano Ka Tirsan BFS Oo Deeq Gaarsiyey Degmada Go’doonsan Ee Waajid

0
203

Waajid(INO)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gaarey Degmada Go’doonsan Ee  Waajid ee Gobolka Bakool iyagoona halkaasi gaarsiyey lacago deeq ah oo logu tala galey dadka ku nool Degmadasi ee Abaarta iyo Cudurka Shuban biyoodku saameeyey.

Xildhibaanada Maanta gaarey Degmada Waajid waxaa hogaaminayey Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar, iyagoona sheegey in degmada ay ka jirto Xaalad Bini’aadanimo oo daran isla markaana waxay hay’adaha Samafalka ugu baaqeen inay ku soo laabtaan Degmadaas.