Wasiir ka tirsan KGS Oo Somaliland Ka Codsadey in ay Sii dayso Milkiilaha TV Universal Oo ku Xiran Hargeysa

0
201

London (INO) –Wasiir Ku Xigeenka wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada ahna Mudane Ka Tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Inj. Abba Aawo Suufi Xaaji Cafaan ayaa Ka Codsadey Somaliland inay Xariga Ka Sii Deyso Milkiilaha TV-ga Caalamiga ah Ee Universal oo dhawaan lagu xirey Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa xusay in mudo bil gudahooda lagu xirey Hargeysa Majaajiliste Cabdi Muriidi Ajakis iyo Milkiilaha Telefeshanka Universal Inj. Axmed Abukar oo labaduba ay ka soo jeedaan Beesha Banaadiri oo aan hubaysaneyn oo uu sheegey in la dhibaatadeeyey mudadii Burburka Dalka Somalia isla markaana ilaa iyo haantan la haysto Hantidooda iyo Hablahooda waa sida hadalka u dhigey e.

Ugu dambeyntii, Milkiilaha Telefeshanka Universal Inj. Axmed Abukar  Ayaa 4 Maalmood ka hor Ciidamada Amaanka Somaliland ay ku xireen Hargeysa iyadoo maalintaasi la xiray ilaa hada aanan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa xarigiisa iyo waxa loo haysto.

Idale News Online, Baydhabo