Dhageyso: Kullan Ballaaran Oo Lagu Taagyeeraayo Malaaq Deerow Oo Lagu Qabtey Baydhabo

0
187

Baydhabo(INO)- Kullan Lagu Taagyeeraayo Malaaq Maxamed Yacquub Deerow oo ah Afhayeenka Gollaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Lagu Qabtey Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Kullnaka waxa ka soo qiib Galey, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Aaden Xasan Maxamed(USAMA), Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Inj. Jibriil, Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Aaden Black, Odayaal dhaqmeedyo, Dhalanyaro, Haween Ganacsato iyo  Qiibaha kala Duwan Ee Beesha Disow oo ka mid ah Beelaha Degan Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxayna diideen Malaaq Cusub Oo Dhawaan lagu doortey Magaalada Baydhabo,Kaasoo la sheegey in uusan sax ahayn waa sida  hadalka ay u dhigeen e.

Waxgaradkii ka hadley Kullanka ayay ku dheeraadeen ka hadalka Midnimada iyo wada jirka Beesha ilsa markaana la joojiyo  dib u dhaca iyo wax weliba oo dhib u keeni karo Bulshada Beesha Disow.

Waxayna Si aad ah u taagyeereen Waxqabadka Malaaq Deerow, waxayna xuseen inay garab taagan yihiin Odayga, isla markaana waxay  ka digeen Khilaaf iyo Muran laga dhex aruuro Beesha Dhexdeeda.

Halkan Ka Dhageyso