Maxaad kala socotaa taariikhda uu Norway ku leeyahay r/wasaaraha cusub ?

0
218

Muqdisho(INO)- Shabakadda Calanka oo aad ugu dhuun-daloosha taariikhaha iyo dhacdooyinka kusoo kordha soomaalida Norway ayaa waxaa ay heshay taariikh kooban oo ku saabsan r/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kaas oo ka mid ahaa jaaliyadda soomaalida Norway.

R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo da`diisa lagu sheegay 49-sano ayaa waxaa uu isagoo 21-sano jir ah ku galay dalka Norway qaab qoxootinimo, isagoona markaasi degay magaalada Vestre Slidre ee gobolkaasi Valdres, wuxuuna sanado kaddib uu usoo wareegay dhanka caasimadda Oslo halkaas oo uu waxbarashadiisa kasii watay.

Sanadkii 2006 ayaa waxaa uu mr. Kheyre dib ugu laabtay qaaradda Afrika, isagoo markaasi madax ka ah hay`adda qoxootiga Norway ee NRC “Flyktninghjelpen” qeybteeda waddamada Soomaaliya, Etiopia, Djibouti iyo Kenya.

Mr. Kheyre asxaab kala shaqeyneysay hay`addasi Norwijiga ah ayaa waxaa sanadkii 2012, bisha Juun 29-keeda ay ka bad-baadeen fal isku day afduub oo la sheegay in uu ka yimid dhanka Al-Shabaab kaas oo ka dhacay xuduudda Kenya la wadaagto Soomaaliya, waxaana dhacdadaasi  lagu dilay darawalkii hay`adda iyadoona dhaawacyo loo geystay dad kale oo la socday.

Markii uu ka tagay xilka hay`adda qoxootiga Norwijiga ayaa waxaa uu r/wasaaraha cusub u wareegay dhankaas iyo magaalada London, halkaas oo uu madax uga noqday qeybteeda Afrika shirkadda shidaalka baadha ee Soma Oil&Gas.

Caddeymo soo shaac baxay sannadkii hore ayaa waxay Qaramada Midoobay ugu dhaqaaqday baaritaan r/wasaare Kheyre iyo shirkadda uu madaxda ka ahaa ee Soma Oil&Gas taas oo lagu eedeeyay falal musuq-maasuq, waxaana xiriir Qaramada Midoobay la sameysay safiirka Norway u fadhiya Qaramada Midoobay Geir O. Pedersen in golaha loo madax banneeyo in ay baaraan dhaqaalaha iyo canshuur bixinta r/wasaare Kheyre iyagoo dulmar ku sameynaya akoonada lacagta ugu dhacdo ee uu isticmaalo.

Dowladda Norway ayaa u hoggaansantay dalabkii kaga yimid dhanka Qaramada Midoobay, waxaana ay u direen dhammaan dha-dhaqaaqyada koonto ee uu adeegsado mr. Kheyre iyo qaabka canshuurbixintiisa.

Mar uu jaraa`idka Dagbladet ee dalka Norway uu wareysi ka siiyay r/wasaare Kheyre arrintan eedeynta musuq-maasuq ayaa waxa uu yiri: ” – Waxani waa been abuur ku saleysan dhoo-dhoob la doonayo in isaga lagu cabsi-geliyo islamarkaana la doonayo in magaciisa lagu wasakheeyo”, waxaana uu intaa raaciyay in ay tahay markii ugu horreysay ee uu wajaho eedeymo noocaan oo kale ah