Muqdisho (INO) – Guddoomiyaha Golaha shacabka BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ka hadlay kaalinta ay shacabka Soomaaliyeed ku leeyihiin garabsiinta Dowlada Somalia.
Prof. Jawaari ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab ka geystaan dhismaha Dowlada waxa uuna sheegay in Kumanaan shacab Soomaaliyeed ay ku dhibaateysan yihiin caalamka iyadoo dhibtaasi looga bixi karo shacabka oo la shaqeeya Dowlada si loo helo Dowlad ka hanaqaada halka ay iminka taagan tahay.
Prof. Jawaari ayaa sheegay in Dowlad waliba ay horumarto keliya marka ay wada shaqeyn ka hesho shacabkeeda waxa uuna ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay dhistaan Dowladooda.
”Dowlada Somalia waxaa dhisikara shacabkeeda waxaan ku baaqayaa in Shacabka ay dhistaan dalkooda isla markaana ay la shaqeeyan Dowlada” ayuu yiri Prof. Jawaari.
Prof. Jawaari waxa uu sheegay in Dowlada cusub ay iminka heysato shacbiyada ugu badan waxa uuna carab dhabay inuu rajeynaayo in wada shaqeynta hadda jirta iyo tan dheeriga ah ee hadda laga sugaayo shacabka ay tahay mid Somalia u horseedi karto horumar la taaban karo.
Sidoo kale, waxa uu Jawaari ku baaqay in Dowlada qudheeda ay la shaqeyso shacabka si looga fogaado wax waliba oo keenikara dhibaato.
Ugu dambeyntii, Haddalka Jawaari ayaa u muuqda mid shacabiga Soomaaliyeed lagu dhiiri galinaayo kadib markii Dowladihii hore ay ahaayen kuwo aan inta badan wada shaqeyn kala dhexeyn shacabka.