Maxaa looga hadlay Kulankii Qarsoodiga ahaa ee dhexmaray Beelaha Majeerteen iyo Habargidir??

0
220

Muqdisho(INO)- Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan weyn oo ay yeesheen beelaha Habargidir iyo Majeerteen kaasoo ahaa qado sharaf lagu casuumay ilaa 100 shaqsi oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro iyo Odayaal.

Kulankaan oo uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Beelaha Habargidir iyo Majeerteen kaasoo uu ujeedkiisa ahaa  cidda noqoneyso Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Kulankaan oo ay casuumaadiisa laheyd Beesha Habargidir ayaa waxaa isugu yimid Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeedo labada beel waxayna ka codsadeyn inay ku taageraan helidda xilka Ra’isulwasaaraha.

Codsigii ay soo jeedisay beesha Habargidir ayaa si weyn waxaa u aqbalay soona dhaweeyey xubnihii matalayey Majeerteen ee kulankaas yimid.

Xubnaha ka socday Beesha Habargidir waxaa ugu magac weynaa Jawaahir Axmed Cilmi, Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (qeybdiid) , Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas, Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, Xildhibaan Warsame Joodax iyo qaar kale,

hadaba Beesha Majeerteen waxaa ugu cad cadaa xubinihii kasoo qeyb galay kulankaan Maxamud Xayir Ibraahim, wasiir ku xigeenka maaliyada iyo  Xildhibaan Cali Xoosh.

Kulankaan ayaa waxaa labada dhinac qudbado ku saabsan sidii Beesha Habargidir looga caawin lahaa helista xilka Ra’isulwasaaranimo u kala jeediyey  Xildhibaan Warsame Joodax iyo Xildhibaan Cali Xoosh.

Sido kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday colaadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo khilaafaadkaas.

Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli maalmaha soo socdo la filayo inuu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqo cidda noqoneyso Ra’isulwasaaraha cusub iyadoo uu ilaa iyo hadda hoggaanka u hayo loolanka xilkaas Dr. Cabdinaasir Cabdulle Jaamac Maxamed oo ah siyaasi kasoo jeedo Habargidir gaar ahaan Beesha Sacad.