AU & EU oo Cambaareeyay Qaraxii Muqdisho

0
240

Muqdisho ( INO)-War Qoraal ah oo Siyaabo kala duwan uga soo baxay Ururada Midowga Africa iyo Midowga Europe ayaa si kulul waxaa loogu Cambaareeyay Qaraxii shalay ee dadka badan gallaaftay.

Bayaanka labadani Urur ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Qaraxii shlay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Midowga Europe ayaa ku nuux nuuxsaday in weerarada nuucaani ah aysan ka weecin doonin Taageerada ay u fidiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkii shalay ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof.