Muqdisho ( INO)-Isagoo kulamo looga hadlayay arrimaha Al Shabaab la qaadanayay Masuuliyiinta ka tirsan Ururka Midowga Africa ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka dalbaday Ciidamada AMISOM in ay wax ka qabtaan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in looga baahan yahay in Ciidamada Howlgalka AMISOM ay ku soo afjaraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab muddo 2 sano Gudahood ah.
Mudane Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay in uu dhankiisa kala shaqeeyo la dagaalanka Al Shabaab si loo soo gaba gabeeyo Howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socday dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.