Muqdisho(INO) – Kullan ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Dhalanyarada, Aqoonyahnada iyo Odayaasha dhaqanka Ee Beesha Disow ayaa Maanta waxaa lagu sheegay in aan sal lahayn war dhawaan ay shaaciyeen qaar ka mid ah Warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga, kaasi oo ahaa in Malaaq cusub loo caleemo saaray Beeshsa Disow.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee Beesha Disow Ee Ku dhaqan Gobolka Banaadir waxaayna ay na isku raaceen in aan loo adkeysan karin dhibaatada uu ku dhex haayo Beesha gudaheeda Wasiirka Maaliyada Dowlada Soomaaliya Maxmed Aaden Farkeeti waa sida hadalka ay u dhigeene e maadaama uu waayay kalsoonida Beesha asagoo u isticmaalaayo dhaqaalihii dowladda Soomaaliya.
Waxa Kullanka ka hadley Sheekh Mursal Moxamed, Cumar Gareeri , Yaris Cali Caliyow iyo Mas’uuliyiin kale kuwaasoo dhamaantood hoosta ka xariiqay in Malaaq Guud ee Beesha Disow uu yahay Malaaq Deerow Yacquub Cali isla markaana waxay ka digeen in aan beesha dhexdeed Khilaaf iyo Muran laga dhex abuurin.
Nabadoonada Beesha Disow ee Magaakada Muqdisho ayaa Wasiir Fargeeti ku eedeeyey in uu isticmaalaayo dhaqaalihii loogu talagalay Ciidamada & Shaqalaha Dowlada Mushaaraadkoodi in uu ku kala qeybiyo Beesha Gudaheeda.
Kullanka Maanta Ee Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Disow oo aad u looga hadley arintaas ayaa lagu sheegey in Beesha ay leedahay Malaaq Guud Oo ixtiraam iyo qadarin mudan, ayagoo xusey sida ay yiraahdeen aanan geli karsin is-qabqabsi iyo shaki.
Ugu dambeyntii, Waxay ka Codsaday Madaxda Dowladda Soomaaliya ee ugu Horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaah Farmaajo in ay ka qabtaan Beesha uu dhibaatada ka dhax wado, sidoo kale Waxay dalbadeen in Maxkamad lasoo taago Maadaama sida ay sheegeen uu lunsaday dhaqaalo fara badan uu ku takrifalay.
Halkan Ka Dhageyso