Dhageyso Dood Kuluul : Xildhibaano iyo Siyaasiin ka hadlay khilaafka iyo Musuq Maasuqa hareeyay Koonfur Galbeed

0
194

Muqdisho (INO) — Masuuliyiin , Xildhibaan iyo Siyaasiyiin kala duwan oo ka soo jeeda Maamulka Joofur Galbeed ayaa maanta siyaabo kala duwan uga hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen ( Xasan Eelaay )  ayaa sheegay in Mooshinka la sheegay in laga gudbinayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan aanu  ku dhisneen sharci islamarkaana ay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha loo jeedinayo Madaxweynaha maamulkaasi isagoo ku nuux nuuxsaday in maamulku howlihiisa si habsami leh u gudanayo balse ay gadaal ka riixayaan mooshinkaas shaqsiyaad uu ku tilmaamay in ay ku soo fashilmeen in ay ka mid noqdaan Xildhibaanada dowladda dhexe intii doorashada aqalka hoose ka socotay Magaalada Baydhabo.

Dhinaciisa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koofur Galbeed Axmed Macallin Barre  ayaa hoosta ka xariiqay in Hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed uu fashilmay islamarkaana uu hareer maray Xeerka lagu hago maamulkaasi sidaas daraadeed looga keenay Mooshinka ka dhanka ah.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Macallin Yuusuf ( Xasan Black ) oo ka qeyb galayay dooda ayaa sheegay in haddii Mooshin ay ka wadaan Xildhibaanada loo baahan yahay in ay keenaan Xarunta Baarlamaanka Koofur Galbeed ee Magaalada Baydhabo balse aan loo baahneen in mar weliba Warbaahinta wax laga eedeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Maxamed Nuur Cali ( Nuuraani) Afhayeenka Golaha Siyaasiyiinta Da’da yar ee Koonfur Galbeed ayaa cod dheer ku sheegay in hadii ay yihiin siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ay sii wada doonaan Olalaha ka dhanka maamulkaas taas oo sida uu sheegay ay uga golleeyihiin in hoggaanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku saxaan.

Hlkan Ka Dhageyso Doodada