Wasiirka Diinta iyo Awqaafka KGS Oo Ka Horyimid Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey

0
231

Muqdisho(INO)- Wasiirka diinta iyo awqaafta maamulka Koonfur Kalbeed Macalin Axmed Maxamed ayaa ka horyimid xil ka qaadis madaxwayanaha maamulkaasi uu kusameyay.

Mudanahan oo la hadlay  Idale News Online, ayaa sheegay in aysan waddo sax ah loo marin xil ka qadistiisa isaga oo meesha ka saaray sharci ahaanshiyaha golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Axmed ayaa sidoo kale kamid ah xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inuuba jirey khilaa u dhaxeeyey Madaxweyne Shariif Xasan iyo sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.

“In xilka la iga qaado waddo sharci ah looma marin, Shariif isagaba ayaaba baarlamaanka laga doonayey, isaga oo taas ka leex leexanaya ayuu sheegay in si aan sharci ahayn xilkii iiga qaaday”

Ugu dambeyntii, Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaadey Macalin Axmed Maxamed oo ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta ee maamulkaasi.