Ciidamo Burundian ah oo hor leh oo Soomaaliya la keenay

0
221

Muqdisho(INO) Ciidamo Burundian ah oo hor leh ayaa Soomaaliya la keenay kuwo horay u joogayna waa la qaadayaa.

Ciidamadaa oo la keenay shalay Soomaaliya ayaa tiradoodu dhan tahay 952. Waxay baddalayaan tiro intaa dhan oo hawlgal hal sano ah oo ay u joogeen Soomaaliya uu idlaaday kana tirsan AMISOM.

Dhammaan ciidamada Burundi ee qaatay tababar la xiriira nabad ilaalinta ayaa loo ogol yahay inay arimaha nabad ilaalinta u aadaan ama loogu diro daafaha caalamka oo dhan.

Burundi ayaa ka mid ah dalalka ciidamada AMISOM ay kakala yimaadaan.