Maxaad Ka Taqaan Shaqsiga Uu Farmaajo U Magacaabay La Taliyihiisa Amniga Qaranka?

0
217

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacado kaddib markii uu xilka la wareegay xilalkii u horeeyay, inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay La Taliyihiisa Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa la dhashay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ahna Madaxa Xisbiga Daljir.

Xuseen Dheere oo heysta Dhalashada Britain ayaa sidoo kale ah sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida Qaranka, waxaa uu horay u soo noqday La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynayaashii hore, waxuuna kasoo jeeda Beesha Murusade/Hawiye waxayna ilmo adeer yihiin Xaaska Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa xilalka cusub u magacaabaya xubno horay xilal u soo qabtay, sida Safiirkii Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Belgium Dr. Cali Siciid Fiqi oo noqonaya Agaasimaha KMG ee Madaxdooyada.

Sidoo kale Madaxa Hab maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha waxaa loo magacaabay Siyaad Maxamuud Shire oo hada ahaa Qunsulka Safaaradda Jeddah, balse maalmahii u dambeeyay ka mid ahaa Howl wadeenada Madaxweyne Farmaajo markii la doortay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha cusub ayaa u bilaabanaysa howshii u horeysay ee Villa Somalia, mudada afarta sano ee soo socota, waxaa sugaya caqabado kala duwan oo ay ugu weyn tahay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.