DEG DEG: Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada Somalia

0
205

Muqdisho(INO) -Goor dhaweyd ayaa waxaa laga maqlay Magaalada Muqdisho dhawaqa tiro Madaafiic ah oo agagaarka Madaxtooyada Somaliya ku soo dhaceen.

Madaafiicdaan oo tiradooda ay gaarayso ilaa 4 Madfac ayaa la sheegayaa inay ku soo dhaceen Xaafada Wardhiigleey ee ku yaalla Dhabarka dambe ee Madaxtooyada Villa Somaliya.

Ilaa hada si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaan goor dhaw ku soo dhacay agaagrka Madaxtooyada Somaliya.

Waxa ay ku soo beegmayaan Madaafiicdaan saacad kadib markii Madaxtooyada Somaliya ay ku soo dhamaatay Xaflad Xil wareejin aheyd oo Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh uu xilka ku wareejinaayay.

Sidoo kale waxaanan la ogeyn rasmi ahaan Madaafiicdaan goobta laga soo tuuray, inkastoo ay tahay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

La soco warkaan wixii ku soo kordha