Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in isbadel weyn uu ka dhacay dalka , islamarkaana doorashadii hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya ay muujinayso hanaanka dimuqaaradiyadda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed laga doonayo in uu soo magacaabo ra’iisulwasaare tayo leh , oo wax weyn kusoo kordhinkara isbadelka dalka ka dhacay.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka fakaro qofka uu ra’iisulwasaaraha ka dhigaayo.
Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya laga doonayo in uu soo magacaabo Ra’iisulwasare tayo leh oo waxbadan kusoo kordhinkara Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya.