2 Haween Oo Ka Tirsan Sirdoonka Kuuriyada Waqooyi Oo Shir Qool Ku Diley Kim Jong-nam

0
209

Maleysia(INO) – Dawladda Kuuriyada Konfureed ayaa xaqiijisay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un walaalkii lagu dilay Malayshiya.

Kim Jong-nam ayay u muuqataa in uu u dhintay weerar sun loo adeegsaday oo lagu qaaday isaga oo jooga garoonka Kuala Lumpur Isniintii.

Illaa iyo hadda lama sheegin ujeedada laga lahaa dilkaas lamana aqoonsanin ciddii ka dambaysay.

Sarkaal u hadlay Booliiska Malayshiya ayaa sheegay in ay wali socdaan baaritanada lagu hayo dilka Kim Jong-nam

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang Kyo-ahn ayaa sheegay in haddii la ogaado in dilkaas ay ka dambaysay Kuuriyada Waqooyi ay taasi muujin doonto “arxandarrida iyo sida aan bani-adamnimada waafaqsanayn ee ay u dhaqmayso”.

Waxayna noqon doontaa qofkii ugu magac waynaa ee ku baxa gacmaha hogaanka Kuuriyada Waqooyi tan iyo 2013kii markaas oo la dilay Chang Song-thaek, oo ah Kim Jong-un adeerkii.

Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang ayaa sheegay in dalkiisu uu si dhaw ula socdo dhaqdhaqaaqa Kuuriyada Waqooyi.