Muqdisho(INO)- Guuto cusub oo ka mid ah ciidamada dowladda Burundi ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo badalaya ciidamada guutada 34 kuwaasi oo ku sugnaa Somaliya iyaga waajibkooda gudanaya muddo hal sano ah.
Ciidamadan oo noqonaya guutada 40-aad oo ka socda dowladda Burundi ayaa waxay ka hoos shaqeyn doonaan Taliska ciidamada Amisom ee gudaha Somaliya, waxayna ka shaqeynayaan ammaanka dalka.
Taliyaha guutada cusub ee Muqdisho soo gaaray Major Leonidas Nsingirankabo oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askartiisa ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalka socda iyaga oo caawintooda ugu wanaagsan ku bixin doona xasiloonida Somaliya.
“Askartayda waxay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Shabaab ayna ka qeyb qaataan xasilinta Somaliya, waxaan u howlgaleynaa inay qiimeynayaan dhamaan shuruucda caalamiga, si waafaqsan anshaxa si loogu guuleysto taageerada shacabka Somaliyed.”Ayuu yiri Nsingirankabo.
Taliyaha ciidamada Burundi ee ku sugan Somaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidamada cusub ee Somaliya yimid, wuxuuna sheegay inay masuuliyadooda qaadan doonaan.
Taliyaha ciidamada la badalay ee guutada 34-aad ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada Burundi ay door weyn ku lahaayeen hanaanka xasilinta Somaliya, isaga oo sheegay inay ka caawiyeen xasilinta deegaanada laga saaray Al-shabaab.