Wax badan ka ogow sababaha ugu waaweyn oo ay Al-Shabaab mar kasta u weeraraan Afgooye

0
205

Afgooye (INO) – Magaalada Afgooye waxa ay hoos tagtaa Gobolka Shabeelada Hoose iyadoo 30Km u jirto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waana magaalo Istaraatiiji ah lehna dhaqaale maadaama laga helayo beero iyo dhul u bisil in wax lagu abuurto.

CWaa Magaalo uu maro wabiga Shabelle lehna beero lagu abuuray Qudaar iyo qeybaha kala duwan ee dalagga, sidoo kalana waa magaalo istaraatiiji ah dhanka ciidamada maadaama ay tahay meesha koonfur looga soo galo magaalada Muqdisho taasoo aysan dhibaato kala kulmeyn ciddii qabsato inay maamusho amaanka caasimadda waana meesha laga ogaan karo waxa Muqdisho galayo iyo waxa kasoo baxayo.

Dadka Afgooye ayaa ku nool  dhaqashada xoolaha iyo gurashada beeraha sidoo kalana waa meesha ugu badan ee laga soo raro liinta la qalajiyey taasoo ganacsi ahaan loogu qaado wadamada dibadda.

Sababaha Ay Al-Shabaab inta badan usoo weerarto Afgooye

Ururka xiriirka la leh Al-Qaacido ee Al-Shabaab ayaa weeraro joogata ah oo ay ugu dambeysay asbuucaan gudahiisa kusoo qaaday magaalada Afgooye taasoo aad ugu dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo ay weliba ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo wato baabuurta dagaalka iyo noocyada kala duwan ee hubka oo garab ka helayo ciidamada Midowga africa oo iyana heysta qoryaha darandooriga u dhaco iyo taangiyo, haddaba waxaan Halkaan hoose iskula fiirin doonaa dhawr qodob oo keenay inay Al-Shabaab joogto usoo weeraraan halkaas:

1) Inay Al-Shabaab muujiso awooda Militari oo ay weli leedahay maadaama ay inta badan dadka Soomaaliya aamisan yihiin in laga taqalusay xarakadaan tan iyo markii laga saaray caasimadda Muqdisho iyo gobolo kale oo ka tirsan Soomaaliya kadib markii ay weeraro waaweyn ku qaadeen ciidamada Dowladda iyo Kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

2)  Inay Al-Shabaab daciifiyaan awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  iyo ka mashquulinta inay ciidamada dowladda weeraro ku qaadaan gobolada kale ee joogan al-Shabaab, iyo inay furtaan baabuurta dagaalka iyo qalab Military taasoo la xasuusta inay marar badan ka dhacday Afgooye iyo xerada Laanta Buure oo ay Al-Shabaab mar qabsadeen xilligaas oo ay ka qaateen saanad military.

3) Al-Shabaab oo ogaatay inaysan wax xiriir ah ka dhaxeyn ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee joogo magaalada Afgooye kuwaas oo aan isku gurman marka lasoo weeraro midkood marka laga reebo inay isoo booqdaan markay Al-Shabaab muraadkooda dhameystaan.

4) Al-Shabaab oo ka warqabto in ciidamada Dowladda ee Afgooye aysan laheyn sirdoon rasmi ah oo awood u heli karo inay ka hortagaan weerarada Ay Al-Shabaab kusoo qaadayaan magaalada.

5) Xiriir Fiican oo aan ka dhaxeyn maamulka Degmada iyo ciidamada Sadhigyada ku leh gudaha magaalada taasoo fududeysay inay markasta halkaas weeraro kusoo qaadaan ururka sida tooska ah amarka uga qaato Al-Qaacidda.

6) Ciidamada Al-Shabaab oo si xad dhaaf ah u joogo dhul beeredyaa ku teedsan magaalada Afgooye taasoo markasta A-Shabaab u fududeeneyso inay jimicsi ahaan magaalada usoo weeraraan.

Maxamed Cumar Dalxa oo ah xildhibaan baarlamaanka ka tirsan isla markaasna kasoo jeedo magaalada ayaa dhawr jeer dowladda ku eedeeyey inay dacyacday mas’uuliyadda ka saaran magaalada Afgooye sida inay u dirto ciidamada awood leh oo iska caabin karo isla markaasna ka hortago karo Al-Shabaab ka hor inta aysan magaalada soo weerarin.

Dalxa ayaa tilmaamay inay magaalada u baahan tahay ciidamo daacad ah oo xiriir fiican la yeesho shacabka magaalada isla markaasna si fiican u dhexgalo shacabka si ay u ogaadaan wararka la xiriiro inay magaalada Al-Shabaab weerar kusoo qaadi rabaan, sidoo kalana wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay ciidamo ugu tago Al-Shabaab keymaha ay ku dhuumaaleysanayaan waana arrin aan inta badan laga hirgelin magaalooyinka ay la wareegeen ciidamada dowladda.

Dalxa ayaa ku eedeeyey maamulka degmada inay qalad weyn ka galeyn ciidamada AMISOM ee magaaladaas ku sugan taas keentay inaysan ahmiyad siinin sugidda amaanka magaaladaas waana midda fududeysay inay Al-Shabaab mar kasta ciyaar la ballansadaan magaalada.

Waxaa la sheegay inay imaadeen weerarada is xig xiga ee Al-Shabaab ku qaadayaan magaalada markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kasoo baxeyn saldhigyadi ay ku lahaayeen tuulada Mareereey oo ah meel laga difaaco magaalada Afgooye waxayna midaas fududeysay inay Al-Shabaab  si joogta ah usoo hamiyaan magaalada.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa tilmaamayo in dhaqdhaqaaqa Military ee Al-Shabaab ay ka wadaan Afgooye oo kaabiga ku heyso caasimadda weliba xilligaan lagu jiro kala guurka  ay farriin u tahay amniga caasimadda Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay soo aragtay qaraxyo waaweyn .

Sidaas darteed Fallanqeeyayaasha Siyaasadeed ayaa tilmaamayo inay lagama maarmaan tahay in si fiican loo maamulo amaanka afgooye si looga hortago farriimaha hanjabaadda ah oo ay Al-Shabaab usoo dirayaan Muqdisho