Muqdisho ( INO)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Barre ( Macallin Barre) ayaa Ka warbixiyay Meesha uu marayo mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Macallin Barre ayaa hoosta ka xariiqay in 97 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ay qalinka ku duugeen Mooshinka ku foorara Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan isagoo cod dheer ku sheegay in aysan jirin cid soo far gelin karta Mooshinkaasi.
Sidoo kale Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo hadal qaaday arrimaha la xiriiro qarashadaas loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ay Abaaruhu saameeyeen iyo adeegyada Bulshada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Baarlamaanka iyo Golaha Wasaarada intaba aysan war iyo wacaal u heyn arrimo dhaqaale islamarkaana dhammaan howlihii shaqo ee Mamulkaas ay yihiin kuwa u Afduuban Shariif Xasan Sheekh Aadan taasina ay keentay in ay la xisaabtamaan kana keenaan Mooshin maadaama uu ku fashilmay howlihii loo igmaday sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddooyinkii dambe ay wajahayeen Culeesyo Siyaasadeed ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin Mooshinka ka dhanka ah.