Muqdisho(INO)- Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Michael Keating ayaa sheegay in shaqooyinka ugu horeeya ee laga rabo in uu wax ka qabto Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) in ay tahay in uu wax ka qabto abaaraha baahsan ee ka jira dalka inta aysan kasii darin, islamarkaana arintaasi ay ku garab taagan yihiin Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Maamul goboleedyada.
Keating, ayaa tilmaamay hadii xaaladaha Abaaraha ka jira dalka, aanan waxba laga qaban ay isku bedeli doonaan xaaalad macluul ah oo ka sii darnaan doonta marxalada hada abaarta ay mareyso.
“Hada su’aasha waxay tahay iyadoo laga eegayo hanaanka socda, waxaan la helay Madaxweyne, haddii la sameeyo sharciyeynta wasiiradiisa waxaan u malaynayaa in marxalada looga gudbi doono dhibaatooyin badan oo dalka ragaadiyay, tan koowaad waa Abaarta, sideen kaga hortagnaa abaartaasi, inta aysan macluul isku badalin ,waxaan doonaynaa inaan la shaqeyno dowladda cusub, masuuliyiinta dowladdaha hoose, hay’addaha gaarka ah, iyo ururada bulshada rayidka, si looga hortago in abaarta heerkaasi gaarto.” Ayuu yiri Keating.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay aaminsan tahay in doorashada Madaxweynaha Somaliya ay ku dhacday si caddalaad ah , islamarkaana uusan dhicin Musuq maasuq intii ay socotay Doorashada.
Waxaana uu sheegay in arinta Musuq maasuqa ay tahay humaag ay qabaan Shacabka Somaliyed oo xiliigaan u baahan helida dowlad dalka iyo dadka u shaqeysa.
“Tani waxay timid kadib doorashadii Baarlamaanka, Somali badan ayaa ka wal walsan inta uu ka leg yahay musuq maasuqa ka jiray hanaankii doorashada, waxaan dhahayaa taasi waa humaaga doorka lacagta ee ka jira dhaqaalaha siyaasadeed ee Somaliya, Doorashada ma aysan sababin musuq maasuqa doorashada waxay ka tarjuntay doorka lacagta iyo sida awooda ay u shaqeyneyso.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya.
Sidoo kale waxaa uu xusay in doorashadaan ay tahay mid ka duwan midi Sanadkii 2012 dii dalka ka dhacday ,islamarkaana ay ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada si gaara dhalinyarada iyo Haweenka.
“Tan saddexaad dad aad iyo aad u badan ayaa ku lug lahaa, sanadkii 2012 135 Oday dhaqameed rag ah ayaa soo doortay 275 Xildhibaan, laakiin waqtigan dad aad u badan ayaa soo doortay Xildhibaanada oo gaaraya 51 xubin, waxaana mid ka mid ah 51 daasi soo dooranaayay dad badan oo ay matalayeen, sidaasi daraadeed dad aad u badan ayaa ka qeyb galay ,Sidaasi oo kale 25 % Xildhibaanada Baarlamaanka waa dumar, waxaan u malaynayaa siyaasada wey isbadashay.”