Sawiro:Banaanbax uu soo qabanqaabiyay gobolka Banaadir oo maanta ka dhacday taalada Daljirka Dahsoon

0
204

Muqdisho(INO)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax balaaran oo uu soo diyaariyay Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo lagu taageeraayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed.

Banaanbaxan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay masuuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shacabka goobtaasi isugu yimid oo qaarkood watay sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa isugu soo baxay Taalada Daljirka Daahsoon waxayna ku soo bandhigeen dareenkooda ku aadan is bedelka ku yimid hogaanka dalka.

Gudoomiyaha oo la hadlayay bannaanbaxa-yaasha, ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya uu u diray farriin ah, in xuquuqdii Gobolka Banaadir uu soo dhiciyo.

Gudoomiye Yuusuf Xuseen ayaa cod kore ku sheegay xuquuqdii siyaasiga ee Gobolka Banaadir in uu maqan yahay, isagoo intaa ku daray inaanay ilaawi doonin, isla-markaana ay har iyo habeenba u taagnaan doonaan sidii xuquuqdaasi lagu heli lahaa.