Dhageyso: Qorshaha Boqolka Maalin Ee Ugu Horeeya Uu Qaban Doono Madaxweyne Farmaajo

0
228

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo lahadlay Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA ayaa  marka hore ka hadlay dabaaldagyada kasocda qeybo kamid ah dalka oo ay sameeynayaan shacabka soomaaliyeed oo uu uga mahadceliyey Dareenkooda iyo sida ay ugu faraxsanyihiin inuu qabto xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii dabaal daga islamarkaana lasugayo hada waxi ka danbeeya shaqada dowlada cusub si loo anba qaado howlaha ugu horeeya ee horyaala Dowladiisa.

Madaxweynaha Cusub ayaa sidoo kale ka hadlay qorshihiisa Boqolka maalin ee uga horeeya uu qaban doono waxaana uu sheegay:

  • Inuu soo magcaabi doono Ra’isul wasaare  si uu udhiso xukuumad cusub.
  • In Cadaalad darrada ka jirta dalka uu wax ka qabanayo si qofwalbaa uu uhelo xuquuqdiisa
  • In abaaraha daran ee  jira uu wax kaqan doono si loogu gurmadu dadka ku dhibaateysan Dalka

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Madaxweynaha.