Muqdisho(INO)- Musharrax Xasan Sheekh oo wareegga Saddexaad la geli lahaa Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku dhowaaqay inuu tanaasulay, sheegayna in uu u hambalyeenayo mudane Maxamed C/laahu Farmaajo oo noqonaya madaxweynaha Afarta sano ee soo socota.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in waddo aad dheer lasoo maray, maantana uu ku faraxsan yahay sida hagaagsan ee doorashada ay u dhacday.
Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan madaxweyne Farmaajo oo guuleystay.
Farmaajo ayaa hadda la dhaarin doonaa, waxaana sidoo kale uu jeedin doona khudbad kooban.