DEG DEG: Musharax CCC Sharmarke oo Tanaasuley +Xaalad Oo Isbeley

0
190

Muqdisho(INO)— Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa ninkii afaraad ee ugu codka badnaa wareega 1aad ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay wareega labaad, taasoo ka dhigan in wareega labaad ay ku loolami doonaan saddex Musharax

Cumar C/rashiid oo lagu soo dhoweeyay makrafoonka ayaa sheegay inuu goostay inuu tanaasulo, isagoo markii uu hadalkaas ku dhawaaqay hal mar hoolka ay is qabsatay sacab.

“Waa dareemi karaa meesha uu guuxiina jiro, waxaa goostay inaan tanaasulo”ayuu yiri Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Wareega labaad ayaa waxaa isku soo haray saddex Musharax oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.