Falanqeyn: Yaa Ka Danbeeyay Musharax C/Laahi Maxamed Farmaajo in uu helo 72 cod

0
177

Muqdisho(INO)- Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa sababta keentay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu codad aad ubadan ka helo doorashada wareegeedii koobaad lasoo dhameeyay.

Musharaxan ayaa helay codad dhan 72 kamid ah codadkii la tiriyay waxaana ka badan kaliya Xasan Sh Maxamuud oo helay 88 cod.

Si kastaba, Shabakada Wararka Idale News Online ayaa ogaatay in xildhibaanada codka ugu badan siiyay musharax Farmaajo ay kasoo jeedaan gobollada Jubbooyinka iyo Galmudug State.

Xildhibaanadii isbadal doonka ee la filayay iney Sh Shariif ucodeeyaan ayaa codkooda uwareejiyay musharax Farmaajo sidaas waxaan goordhow kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahy.

Sidoo kale waxaa la ogaanayaa in madaxweynaha Jubbaland uu xildhibaanada deegaanadiisa kasoo galay barlamaanka uu usheegay iney doortaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Si kastaba, Farmaajo ayaa la filayaa inuu wareega labaad sidoo kale helo codad aad ubadan maadaama xubno badan ay ka harayaan tartanka.

Waxaase uu loolan xoogan kala kulmi doonaa Xasan Sh oo haysta taageerada ugu badan, Sh Shariif iyo Cumar C/Rashiid.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah Idale News Online