Prof. Jawaari oo Amray in Hawada Muqdisho La Xiro & Go’aankaasi oo Noqday…

0
169
????????????????????????????????????

Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Golaha Shacabka Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xafiiskii Amar kasoo baxay waxa lagu Xiray Hawada Muqdisho.

Arbacada Berri oo ku beegan 8 Bisha Febraayo 2017 ayaa waxa la sheegay inuusan jiri doonin wax duulimaad ah oo imaan doono Muqdisho.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangeli ayaa waxa uu usheegay Warbaahinta Qaranka in Amarkaasi uu faray Jawaari iyaguna ay fulinayaan.

Maalintaasi waxaa la xanibi doonaa dhaq dhaqaaqa guud ahaan Cirka iyo dhulka waxaana jirta Arbacada Berri Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkadaha Duulimaadyada ayaa la faray inay la socdaan Amarkaan oo ay dhaqan geliyaan mana jiri doonto diyaarad imaaneysa berri ama ka dhoofi doonta Muqdisho.