Dhageyso: Ganacsato Khaat Keeni jirtay Muqdisho oo Go’aan Culus Qaatay

0
216

Muqdisho(INO)– Iyadoo sida la qorsheeyey Arbacada Berri Duulimaadyadii imaan jiray Dawlada Soomaaliya ay joojisey ayaa hadana Qandaraaasleyda Khaatka keeni jiray Muqdiso ay kasoo horjeesteen qaarkood Amarkaasi.

Ilaa Shan Shirkad ayaa Khaatka waxay keeni jireen Muqdisho waxaana Seddex ka mid ah Shirkadahaasi ay qaateen amarka Dawlada kasoo baxay iyadoo labo shirkadood ay iyaguna sheegeen inay Khaatka keeni doonaan Muqdisho.

Mid ka mid ah Ganacsatada ku Adkeysanaya inay Khaatka keeni doonaan berri Muqdisho oo kusugan Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay iyagu heynin Amarkaasi in saameyn ku leeyahay.

Waxa uu ganacsadahaasi ka warbixiyey dhinaca kale Khaatka ay keeni jireen Muqdisho iyo inta uu tiro ahaan inta uu gaarayey.

Hadalka Ganacsadahaan ayaa kusoo beegmaya xilli Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jangeli ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in Hawada Muqdisho la xiri doono oo wax duulimaad ah jiri doonin.

Lama oga sida ay ganacsatada Khaatka usaameyn karto Amarkaasi xilli qaarkood shirkadaha Qandaraasleyda Khaatka keeni jiray Xamar ay qaateen go’aan ah in ay diyaaradihii ukireysnaa ay imaan doonaan Arbacada berri.