Muqdisho (INO) Ol olaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku jira saacadihii ugu dambeeyay,waxaana musharrixiinta ay kulamo joogta ah la qaadanayaan xildhibannada labada Aqal ee wax dooranaya.
Qaar ka mid ah musharrixiinta madaxweynaha ayaa waqti badan galinaya sidii ay codad la isku haleen karo uga heli karaan baarlamaanka Soomaaliya,waxaa lugu sheegay musharrixiinta qaarkood inay ku yartahay waqtiga nasashada.
Musharrixiinta dadaalka ugu badan sameynaya waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh oo mar kale doonaya inuu guul ka gaaro doorashada la qabanayo maalin kaddib oo ku beegan 8 febaraayo.
Madaxweyne Xasan,waxaa la sheegay inuu doonayo ka hor xilliga doorashada ay billaabaneyso ogaal uu ka heysto xildhibaannada u codeynaya,waxaana la soo bandhigay qalab la sheegay inay xildhibaannada ku muujin doonan marka ay codeynayaan ama ay saxiixayaan warqada musharrixiinta loogu codeynayo.
Warar madax banaan oo ay helayso IdaleNews.com ayaa sheegaya madaxweyne Xasan Sheekh inay ka caawin doonan ol olihiisa doorashada saraakiil ajaanib ah oo ay ugu horreeyaan kuwa ka socda dalka Itoobiya.
Xildhibaannada waxaa loo diyaariyay qalab aan muuqan karin oo wax laga dhex arki karo,waxaa ka mid ah saacado kaamirooyin leh,ookiyaalayaal iyo qalab lugu xirayo dharka ay gashan-yihiin.
“Waxay doonayaan xildhibaannada inay cododkooda lacag badan ku helaan,madaxweyne Xasan xildhibaan walba oo doonaya inuu codka ka gato,wuxuu sharuud uga dhigay inay muujiyaan codka ay siinayaan iyagoo adegsanaya qalab uu diyaariyay,”sida waxaa u sheegay IdaleNews xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo codsatay inan la baahin magaciisa.
Xilli horaba musharrixiinta madaxweynaha ayaa arrintan wal wal ka muujiyay,waxaa ay dalbadeen in si dhow looga baaro xidhibaannada inay adegsanayaan qalab laga arki karo cida ay codka siinayaan.
Guddiga doorashada iyo midka anshaxa saraakiil ka tirsan oo aan la xiriirnay,waxaa ay sheegen inay dadaal ku bixin doonan si aysan u dhicin in goobe kale lagala socon karo cida ay codka siinayaan xildhibaannada baarlamaanka.