Dhageyso: Xiisad aad u xoogan oo ka taagan Degmada Buuhoodle

0
164

Buuhodle(INO)- Taliyaha Ciidamadaasi hogaaminaya ayaa Amaro cusub  kasoo saaray isticmaalka Garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer waxaana u sheegay in eysan Garoonkaasi kasoo dagi  Karin Diyaaradaha ka imaanaya magaalada Hargeysa xili uu maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladaasi.

Waxaa uu tilmaamay sidooakale in uusan madaxweynaha Khaatuma Cali Khaliif Galeyr mardanbe kasoo dagi Karin Garoonka oo ay heestaan Ciidamo maleeshiya ah oo shalay madaxeynaha udiiday inuu ka duulo Garoonka Buuhoodle.

Xaalada magaalada ayaa kacsan kadib xiisadii shalay waxaana madaxweynaha maamulka Khaatuma safarka dhulka ah uu ku tagay Haregeysa markii ciidamadaasi udiideen  inuu ka boxo Garoonka Magaalada Buuhoodle waxaana uu isla maanta uduulay Jabuuti oo uu wada hadal  kula leeyahay Madax kasocota Soomaaliland.

Halkan Ka Dhageyso