Dhageyso: Maamulka Gobolka Bay Oo Sii Kicyey Xasrada Siyaasada KGS, Sheegeyn in Aan La Qaban Karin Shir Xasaasi Ah

0
200

Baydhabo(INO)Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay, C/rashid C/laahi Maxamed ( LFC) oo ka hadlaayey kullan looga hadlaayey amniga Gobolka oo lagu qabtey Baydhabo Ayaa sheegey in aan la qaban karin mudo 3 bilood gudahood shir Xasaasi ah oo siyaasadeysan oo wax u dhima daganaanashaha amniga Gobolka Bay.

Gudoomiye LFC ayaa sheegey in aan loola jeedin Joojinta shirarkaas mid lagu caburinaayo fekirka dadweynaha isla markaanawaxa uu sheegey in la soo maro  Laamaha Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Bay.

“Go’aamada Shirkan ka soo baxay waxa ka mid : in mudo 3 ama 4 bilood ku siman in aan la qaban karin  shir xasaasi ah oo aan ahayn mid abaaraha looga hadlaayo, hadii shirku xasaasi yahay oo danta dadka ku jiro waxa la soo mara Nidaamka, qof iska imaanayo oo shir iska qabsanaayo lagama yeeli doono, qofkastoo oo doonayo inuu qabsado shir afkaartiis ku soo gudbinayo wuxu soo maraa Nidaamka, afkaartiis waa in ay haato mid wax dhista” ayuu yiri Gudoomiye C/rashiid C/laahi Maxamed LFC.

Ugu dambeyntii, Hadalkan Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay ayaa muuqdan mid si dedban looga duraayo siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo dhawaan ku soo wajahan Magaalada Baydhabo kuwaasoo ah isbedel dooa oo sheegeen inay ka daaleen Xukunka aan wax qabadka lahayn Ee Madaxweyne Sharif Xasan Sheekh Aadan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo