Dowladda Romania oo dib ula laabatay sharcigii dibadbaxa maalmaha socday dhaliyay

0
170

Romonia(INO)- Xukuumadda Romania ayaa dib ula laabatay sharcigii cusbaa ee ciqaabta looga yareynayay dadka ku kaca falalka musuq-maasuqa kaddib markii shacabka dalkaasi ay ka soo horjeesteen islamarkaana ay dibadbaxyo shan maalmood socday ay ku diideen.

R/wasaaraha dalkaasi Sorin Grindeanu ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo axad ah ay xukuumaddiisu shireyso islamarkaana ay dib ula laabaneyso sharcigan cusub ee muranka iyo carada shacabka dhaliyay.

Waxa uu sheegay r/wasaaruhu in uusan dooneyn in uu kala qeybiyo shacabka reer Romania.

Sharciga cusub ayaa u saamaxayay in dadka u shaqeeya dowladda ee dambiyada musuqa lagu helo in ay muteysan karaan oo keliya xabsi gaaban haddii hantida ay lunsadaan ay ka yar tahay 200.000 leu oo u dhiganta ku dhawaad 50-kun oo dollar.

Xukuumadda xukunkan soo soortay ee dalkaasi ayaa ah mid curdun ah, waxaana ay doorashada ku guuleysatay 11-desember ee sannadkii tagay.

Waxaa lasoo sheegayaa in sharcigan cusub ay uga gol-leeyihiin sidii lagu bad-baadin lahaa hoggaamiyaha xisbiga talada dalka la wareegay oo lagu eedeeyay falal musuq iyo ku-tagrifal awoodeed, waxaana lagu xukumay in uu siyaasadda bannaanka ka joogo muddo labo sannadood ah.