Aqriso: Magacyada Musharaxiinta Maanta ka hor Khudbeynaya BFS

0
200

Muqdisho(INO)- Maanta oo Axad ah xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka waxaa khudbado ka horjeedin doona 8 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharax kasta oo khubadiisa jeedinaya ayaa waxa uu xaq u heli doonaa 30-daqiiqo, si la mid ah Musharaxiintii horey u jeedisay khudbadaha.

Khudbadaha Musharaxiinta ayaa waxa ay si toos ah u bilaaban doontaa 09:30 subaxnimo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay sheegeen maanta oo Axad ah in ay khudbado jeedin doonaan ilaa 8 Musharax, kuwaas oo kala ah:-

  • Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
  • Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
  • Maxamed Axmed Jabarti
  • Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
  • Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
  • Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  • Maxamed C/risaaq
  • Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

Sidoo kale maanta waxaa laga yaabaa in khudbadjeedinta uu ku soo biiro Axmed Maxamed Cabdi oo qorshuhu uu ahaa in Khamiistii uu jeediyo khudbadiisa, balse cudur daar uu soo gudbiyay darteed dib loogu dhigay.

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama horey khudbadahooda loo soo dhageystay 14 Musharax.