Dhageyso: Feysal Cali Waraabe Oo La Dardaarmey Xildhibaanada BFS

0
178

Hargeysa(INO)- Siyaasi Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulka Soomaaliland ayaa Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda degaanada Soomaaliland ugu baaqay in ay doortaan hoggaan samata bixin kara Dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay si Cadaalad ah u doortaan hoggaanka ay dooranayaan islamarkaana ka shaqeeyaan samata bixinta dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu ka digay in faragelinta ay Dowladdaha Shisheeye ku hayaan Doorashada Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Qaranka looga baahan yahay in ay si xur ah oo Xalaal ah codkooda u dhiibtaan.

Waxa uu si gaar ah ula dardaaray Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka ee ka soo jeeda degaanada Soomaaliland.

8 Bishaan Fabraayo oo ku beegan Maalinta Arbacada ee soo socota ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha oo ay ku tartamayaan in ka badan 20 Musharax.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online,Hargeysa