Dhageyso: Xarunta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha oo la bedelay

0
171

Muqdisho(INO)- Sida uu qorshuhu ahaa Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa lagu waday in lagu qabto xarunta General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, balse hada waxaa soo baxaya warar sheegaya in loo bedelay xarun kale.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegey in Doorashada ay ka dhici doonto dhismo ku yaalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Afisyooni ee Muqdisho.

Beyle, ayaa sheegay 18 ka mid ah Musharrixiinta Madaxtinnimada in ay dalbadeen in goobta laga badalo Doorashada halka lagu qabanaayo, iyagoo walaac ka muujiyay xarunta General Kaahiye oo ay sheegeen in la musuq maasuqayo.

Saraakiil ka agdhow Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada ayaa sheegay in fikradaha lasoo jeediyey ay u badan tahay in lagu qaban doono xerada Ciidamada cirka Afisyoone ee Garoonka Diyaaradaha.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho