Paris(INO)- Booliska dalka Fransiiska ayaa shaaca ka qaaday dhalayada iyo da`da ruuxii shalay weerarka ka geystay madxafka Louvre ee magaalada Paris halkaas oo kaas oo lagu qaaday nin boolis ah oo ilaalo ka hayay badxafka.
Ninkan oo boolisku magaciisa aysan shaacin balse waddanka uu kasoo jeedo iyo dhalashadiisa ayaa lagu sheegay in uu ahaa 29 jir kasoo jeeda dalka Masar kaas oo qaab fiiso dalxiis kusoo galay dalka Fransiiska 26-kii bisha janaayo.
Ninkan oo ku hubeysan baangad ayaa islamarkaana ku qeylinaya “Allahu Akbar” ayaa waxaa uu weerar ku qaaday askari ilaalo ka hayay madxafka kaas oo isna isdifaacay, dhaawacna u geystay weeraryahanka.
Labo boorso oo kuwa dhabarka ah ayuu watay ninkan, waxaana booliska oo baaris ku sameeyay boorsooyinkaasi ay ka waayeen wax qaraxyo ah, sida ay horay uga shakisnaayeen.
Ruux la socday ninkan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay islamarkaana ay su`aalo weydiinayaan booliska.