VIDEO Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo loogu Baaqay in uu isku casilo 7 cisho Gudahood

0
203

Muqdisho(INO)– Waxgarad siyaasiyiin aqooyahano Xildhibaano ,wasiiro madaxda dhaqanka dhalinyaro haween ka soo jeedo maamulka Koofur galbeyd ayaa Muqdisho ku yeeshay Kulan ay aayaha iyo Mustaqbalkooda kaga arinsanayeen .

Kulanka ayaa ahaa Mid ay ku falanqeynayeen waxqabadkii madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sh Adan  oo ay u soo jeediyeen dhaliilo iyo waxqabad la.aan ku aadan intii u xilka haayey  .

Kulanka intii u socday waxaa kooxda shambal ay ku soo bandhigeen riyaad heeso iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqannka ka turjumayey.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa aragti midaysan ka qaatay in uu xilka isaga dago Shariif Xasan Sh adan mudo todobo cisho gudahooda ah