Kooxda Aala-Sheekh oo ku kala jabtay taageerada musharaxa Shariif Sheekh Axmed

0
182

Muqdisho(INO)- Kooxda Aala-sheekh oo ka mida kooxaha diimeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa ku kal qeybsantay doorashada Soomaaliya.

Xogta ay heleyso  IdaleNews.com ayaa sheegeysa in kooxdan oo tiro yar ka heshay xildhibaanada cusub ee labada Aqal ay isku qabteen taageerada musharaxa kasoo jeeda ee Shariif Sheekh Axmed

Kooxdan ayaa si aan la fileyn ugu guuleysatay xilka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, kadib markii uu ku soo baxay Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo hore agaasime madaxtooyada ugu ahaa Sheekh Shariif, laakiin waxaa la xaqiijiyay inuu Abshir Bukhaari diiday taageerada Sheekh Shariif.

Xasan Macalin iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa la sheegay inay ku soo hareen kooxdan oo hadda u muuqata inaysan wax taageero ah u heynin musharaxooda xilka madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo mar labaad doonaya in la doorto.

Ugu dambeyntii,Kooxda Aala-sheekh iyo xisbigeeda Daljir ayaan si fiican u nidaamsaneyn, waxaana ku badan shaqsiyaadka aan isku danta ahayn, taasoo keentay in awoodeeda siyaasadeed iyo tii xisbiga ay hoos u dhacdo.