QM oo baaq deg deg ah kasoo saartay Abaaraha ka jira Somalia

0
202

Muqdisho(INO)- Qaramada Midoobay ayaa arbacadii shaaca ka qaaday in haddii labada bilood ee soo socda Soomaaliya lala gaari waayay kaalmo degdeg ah ay xaaladdu faraha ka sii bixi doonto, iyada oo ay imika jiraan abaaro aad u daran.

Hay’adaha gargaarka ee QM ayaa sheegay in shan milyan oo qof oo Soomaali ah, aanay haysan cunto ku filan, waxaana sabab u ah roob yarida iyo jiritaan la’aanta dalaga beeraha iyo xoolo badan oo naf-baxay.

Saadaasha hordhaca ah ee cimilada ayaa tilmaamaysa inaan la filaynin roobab badan xili roobaadka soo socda ee bisha April, sida lagu yiri warbixinta QM.

Khubarada gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa isku waafaqsan in xalka ugu haboon uu yahay in talaabo degdeg ah oo ka hortag ah la sii qaado.

ustin Brady oo ka tirsan xafiiiska xidhiidhinta gargaarka bini aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ee OCHA ayaa sheegay inay 12-kii bilood ee la soo dhaafay ay digniini hor dhac ah ka sii bixiyeen abaarta iyo macluusha laga cabsida qabo.

Brady ayaa sheegay inay jirto fursad wanaagsan oo looga hortagi karo macluusha, isaga oo xusay in ay dalbadeen 300 oo milyan oo doolaar oo gargaar ah saddexda bilood ee u horeysa sanadkan 2017-ka.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo ceelasha biyaha, islamarkaana looga hortago sicir bararka ku iman kara miraha la beerto, laguna soo iibiyo caws xoolaha loo kaydiyo, islamarkaana wax looga qabto xalaadaha shubanka iyo fuuq-baxa abaaraha ka dhasha.