Dhageyso: Musharax Sheekh Shariif ” Waxaan dhisi doonaa Ciidamo cusub”

0
211

Muqdisho(INO)-Qudbadda uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka horjeediay Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu uga  hadlay  Barnaamijkiisa Siyaasadda.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Markii Labaad  oo uu horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya ay tahay islamarkaana ay Afar Sano ka hor ay ugu dambeysay.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Ummadda Soomaaliyeed ay Hiigsanayaan Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya oo saro u kacdo ayna ku ibaan karto in wax Walba loo dhameystiro.

Musharaxa Madaxweyne waxaa uu sheegay inuu diyaarin doono Ciidamo la wareega Amniga Soomaaliya oo ka kala imaanaya Gobolada iyo Degmooyinka islamarkaana ay Hogaaminayaan Saraakiil Dhalinyaro ah oo weliba Aqoon leh.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada hadda jooga iyagana lagu sameyn doono isku dhaf,waxaaa uu rajeeyay in ay Ammaanka sugi doonaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay 2018 ay Ammaanka la Wareegi doonaan Ciidamada isku dhafkaa ee la sameynayo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Qorshihiisa aysan ka marneyn Dib u heshiisiin si loo helo Nabad iyo Xasiloon,iyadoo uu sheegay in Soomaaliya aysan helin wax Dib u heeshiisiin ah ,waxaana uu xusay in Dib u heshiisiin dhab ah  Maanta loo baahan yahay.

Shariif ayaa  sheegay in la joogo Xiligii Soomaaliya ay Midobi laheyd,iyadoo uu Xusay in Dowladiisu ay Hormarin doonto.

Dhanka Garsoorka ayuu sheegay in ay Habcsanaan  uu ka jiro,waxaana uu Tilaamay inuu wax ka qaban doono Garsoorka Sarena loo qaadi doono weliba asagoo Madax banana,waxaana uu xusay inuu Garsoorku ku Qotobo Madaxbanaani iyo Caddaalad.

Dhanka Dastuurka ayuu sheegay inuu Wax badan ka qaban doono islamarkaana   uu keeni doono Sharcuu lagu hagayo Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay,waxaana uu xusay in ay Dastuurka uu dib u Eegis ku sameyn doono.

Dhanka Arrimaha Bulshada ayuu sheegay Sheekh Shariif in Xuumaddiisu ay wax badan ka Qaban doonto.