Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo lagu doorto Xildhibaan ka mid ah 5 Kursi ee Guddiga Doorashooyinka ay dib u celiyeen , waxaana xildhibaankan lagu celiyay Koonfur Galbeed.
Kursigaan ayaa ah Kursiga Beesh Macalin Weyne, waxaana horay ugu Guuleystay Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed ,laakiin Guddiga doorashooyinka ay sheegeen in uu kusoo baxay Musuq maasuq.
Xilligaas waxaa Kursiga kula tartameysay Xaliimo Maxamed Cabdi oo aan wax cod ah helin .
Doorashada ayaa lagu wadaa in ay Maanta dib uga dhacdo Baydhabo , waxaana goobta doorashada Joogi doona Xubno ka socda Guddiga Doorashada iyo sidoo kale waxgaradka Beesha Macalin weyne.
Ugu dambeyntii, Shalay ayaa Magaalada Garowe lagu doortay Xildhibaan Cabdi Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa Shantii kursi ee dib loo celiyay.