Afgooye ( INO)-Waxaa maanta hakad uu ku jiraa dhaq dhaqaaqii Ganacsi iyo kan Gaadiidka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Arrintaan ayaa la sheegay in ay ugu wacantahay sida qaar ka mid ah dadka deegaanka ay Idale News Online u xaqiijiyeen Cabsi xoogan oo laga qabo dagaal u dhexeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo halkaas dib uga Qarxa.
Al Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah weeraro kala duwan ku soo qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaana la soo warinayaa in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi ay muujinayaan feejignaan xoogan.
Shacabka ayaa cabsi xoogan iyaguna ka qaba saameyn uu ku yesho haddii dagaal uu ka qarxo degmadaasi Afgooye