Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Addis-Ababa

0
185

Muqdisho ( INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga qeyb galaya Addis-ababa Shir Madaxeedka Midowga Africa kaas oo Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa lagu dooranayo.

Shirkaas ayaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo ay ka mid tahay Xaaladda Abaaraha ee ka taagan dalalka geeka Africa gaar ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkaan ka qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Africa xilli fooda ay nagu hayaan doorashooyinka Madaxtinimo ee Soomaaliya oo mar kale uu rajeynayo in uu ku guuleysto.