Muqdisho(INO)- Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka tirsan Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamaanka ee ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Xubnaha Aqalka Sare.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaanada uu la kulmay Waxa uu kala hadlay sidii ay mar kale ugu dooran lahaayeen Hoggaanka Dalka islamarkaana ay u siin lahaayeen codka marka la gaaro 8 Fabraayo.
Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaanada u sheegay in wax badan oo hormar ah ay Dowladiisa sameysay Afartii sano ee la soo dhaafay, howlo kalena ay weli u dhiman tahay islamarkaana uu doonayo in uu dhameystiro Afarta sano ee soo socota.
Xildhibaanada kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in Musharax Xasan Sheekh islamarkaana ay Codkooda siiyaan sida ay sheegeen.
Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaanada ugu Mahad celiyay sida ay kulanka ay uga soo qeyb galeen.
Waxa uu sheegay in wax badan oo hormar iyo isbadal ah uu sameyn doono Afarta sano ee soo socota hadii ay codkooda siiyaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah 24 Musharaxa Madaxweyne ah ee doonaya in ay ka qeyb galaan Tartanka Doorashada Madaxweynaha.