Dhageyso:Shariif Xasan Oo Xildhibaanada Beesha Digil iyo Mirifle U Gurbiyey Xasan Sheekh

0
215

Muqdisho(INO)– Shariif Xasan Sheekh Aadan Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Mudooyinkii u dambeyay Ku Sugnaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa Maalintii Jimcaha aheyd dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Shariif waxaa uu Markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay uu la kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Digil iyo Mirifle kuwaas oo ay kawada hadleen Arrimaha Hadda ka socda Dalka gaar ahaa Doorashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa u sheegay Xildhibaanada Labad Aqal ee Beeshiisa in balan qaad dhab ah uu u wado ugana sido Xasan sheekh Maxamuud iyo Dowlada Ethiopia waa hadii uu dib u soo noqdo Markale Xasan Sheekh.

Balan qaadka ayaa ah in Xildhibaanada Labada Aqal ee Digil iyo Mirifle ka soo jeeda loo magacaabi doono Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo sidoo kale Safiiro dalalka caalamka ah jagooyin kaas oo ay heli doonaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Ka soo jeeda Beeshaasi.

Ugu dambyntii, Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ayaa sida loo xaqiijiyay Idale News Online  aqbalay codsigaasi iyagoona u balan qaaday Shariif Xasan in ay u codeyn doonaan Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda Ah Musharrax Doonaya in uu Talada Dalka Markale ku soo noqdo.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho