Muqdisho (INO) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka digay in Musharaxiinta qaar ay baalmaraan Nidaamka Doorashada heer Madaxweyne ee Somalia.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in la muujiyo kalsooni dhanka Doorashada ah, waxa uuna ku celcelshay in Musharax waliba uu kalsooni ku qabo Xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya..
“Mar kale waxaan ku celinayaa in lagama maarmaan ay tahay inaan kalsooni ku qabno nafteena, waayo Musharax waliba waxa uu isku soo sharaxay kalsooni ku jirtay markii hore” ayuu yiri Xasan Sheekh.
“Hadda ma cadda cida Madaxweyne ka noqon doonta dalka, Musharax waliba waxa uu tijaabinayaa nasiibkiisa waxaana u baahanahay inaan kalsooni ku qabno nasiibka”
Hadalka Xasan ayaa imanaya ayada oo maalmahan qaar ka mid ah musharaxiinta ay ka walaacsanayeen in eexasho loo sameeyo Xasan Sheekh, ayaga oo guddiga doorashada ku eedeeyey inay isaga ku xiran yihiin.
Waxa ay sidoo kale cabasho ka muujiyeen in warbaahinta dowladda ay musharax gaar ah u adeegeyso oo aysan dhex dhexaad ahayn.