Nairobi (INO) – Weerarkii kooxda Al-Shabaab ay jimcihii ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee Kulbiyow, waxay ku sheegtay inay ku dishay 57 askari, hase yeeshee Kenya waa ay beenisay waxayna qiratay in laga dilay kaliya sagaal askari.
Hase yeeshee waxaa soo baxeysa in labaduba qaldan yihiin, inkasta oo Al-Shabaab runta u dhowdahay, islamarkaana dhimashada ay gaareyso 68 askari oo Kenyan ah inta la hubo.
Ilo-wareedyo ka tirsan milatariga Kenya ayaa wargeyska The Standard ee Nairobi kasoo baxay u xaqiijiyey tiradaas iyo farsamadii ay dowladda Kenya isugu dayday inay xaqiiqda uga qariso shacabka Kenya.
Waxaa saldhigga ku sugnaa 144 askari oo Kenyan ah, kuwaasi oo Al-Shabaab ay awood ku jiirtay markii weerarka ay soo qaadeen, sida ay sheegeen saraakiisha Kenya.
Meydadka 68-ka aksari ee la dilay ayaa si qarsoodi ah dowr qeyb looga soo geliyey dalka Kenya, si aysan u ogaan shacabka.
Sida ay sheegeen saddex saraakiil milatari oo codsaday inaan la magacaabin, 30 meyd ayaa laga soo dejiyey saldhigga ciidanka cirka ee Moi oo ku yaalla xaafadda Islii ee Nairobi, ayada oo la saaray baabuur Van ah oo leh taargada shacabka, si aan loo aqoonsan.
38 meyd oo kale ayaa si qarsoodi ah habeenkii jimcaha iyo subaxii sabtida aroor hore koox koox loo soo gelinayey dalka Kenya, si aan loo ogaan.
“Waxay ahayd goob aad u xun, anagan oo dhan ayey na dul mareen” ayuu yiri sarkaal la hadlay The Standard, isaga oo intaas ku daray in weerarka uu ekaa kii sanadkii hore ka dhacay xerada Ceel Cadde oo lagu xasuuqay 173 askari o Kenyan ah.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha weerarka Kulbiyow uu ka badan yahay tirada Al-Shabaabka ay sheegteen oo ah 57 askari, taasi oo ay ugu wacan tahay buu yiri in laga yaabo inay kala carareen ka hor inta aysan si sax ah u diiwaan gelin meydadka.
Askarta ku sugnaa xerada ayaa la sheegay in bishii horey un lagu daad gureeyey xerada Kulbiyow, waxaana muuqata in Shabaabka ka war-hayeen, ayaga oo beegsaday inta aysan si wanaagsan u fahmin xaaladda xerada iyo hareeraheeda.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in laba sarkaal iyo toddoba askari looga dilay weerarka, balse ay ku dishay 70 ka tirsan mintidiinka kooxda Al-Shabaab, taasi oo saraakiisha milatari ay sheegayaan iminka inaysan jirin.
Ka sokow khasaaraha nafeed, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay xerada ka qaadatay baabuur milatari iyo hub tiro badan.
Ciidamada Kenya ayaa ah ciidamada khasaaraha nafeed ee ugu badan kala kulmay Al-Shabaab marka loo eego ciidamada kale ee Amisom.