Marka ( INO)-Wararka ka imaanaya Tuulooyin hoostaga deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Howlgallo Al Shabaab halkaas ay ka sameeyeen ku soo qab qabteen dad fara badan oo ay ku eedeeyeen in ay wadeen Xaalufin ka dhan dhirta deegaanadaasi.
Al Shabaab ayaa howlgalladaan waxa ay ka fuliyeen Tuulooyin ay ka mid yihiin Daafeed,Goobaale, Diriweyne iyo deegaanno kale oo dhaca inta u dhexeysa Gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in Howlgalladaasi lagu soo qab qabtay ku dhawaad 100 qof oo ay ku eedeeyeen Al Shabaab Xaalufinta Dhirta sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Cabdullaahi Isxaaq Al Cadaala.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad ka soo cararay deegaanada ay howlgallada ka sameeyeen Al Shabaab ay soo gaareen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Leego ayaa sheegay in Al Shabaab ay sameeyeen Ciidan gaar ah oo ay kula dagaalamaan dadka Dhirta Xaalufinaya ee ku sugan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Baay.
Al Shabaab ayaa horay u soo saaray Awaamiir ka dhan ah Xaalufinta dhirta oo ay sheegeen ciddii lagu arko in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan.