Britian oo 12 Milyan oo Dheeraad ah ugu Deeqday Soomaaliya

0
183

London(INO)- Dowladda Britian ayaa 12 milyan dollar oo dheeraad ugu yaboohday in wax lagaga qabto abaaraha daran ee ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah soomaaliya.

Xoghayaha Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Britian Pritu Patel oo maanta booqasho gaaban ku timid magaaladda muqdisho ayaa yaboohan ku dhawaaqday ka dib markii ay la kulantay Guddoomiyaha barlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenka xoghayaha qaramada midoobay Peter De Clercq, waxayna ka wada hadleen xaalada bani’aadanimo iyo dhibaatada ka dhalalatay abaaraha, waxay kaloo ka wada hadleen arrimaha doorashadda madaxweynaha Soomaaliya

Lacagta ay ku yaboohday dowladda Britian  ayaa lagu wareejin doonaa hay’adaha WFP, Unicef iyo Hay’ada Beeraha ee FOA, waxaana loo adeegsan doonaa in cunnooyin, adeegyo caafimaad iyo waxyaabaha kale asaasiga lagu gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhinac kale, dowladda Britian waxay kaloo ballanqaaday inay sii wadayaan  taageeradii maaliyadeed ee ay siin jireen ciidamadda midowga afrika ee ka howgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Boqortooyada Britian  waxay ka mid tahay wadamada deeqda ugu badan siiya Soomaaliya, waxayna afartii sanno ee la soo dhaafay ay bixisay lacag ka badan 200 milyan oo dollar, taasi oo loo adeegsaday arrimaha bani’aadanimada iyo barnaamijyada dib dhiska dowlanimada Soomaaliya.