Shacab ku hor bannaanbaxaya garoomo diyaaradeed oo Mareykanka ku yaal

0
203

NewYork (INO)- Dadweyne ka hor jeeda go`aankii uu dhawaan saxeexay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ee uu ku joojinayay qoxootiga iyo dadka haysta dhalashada todobo waddan oo muslimiin ah oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa waxa ay ku hor bannaan-baxayaan dhowr garoon diyaaradeed oo Mareykanka ku yaal.

Garoonka JFK ee magaalada New York oo uu dibadbaxani ka bilowday markiisii hore ayaa waxaa uu ku fiday garoomada ku yaal gobollada Chicago, Los Angeles, Seattle iyo Boston.

Dadka dibadbaxaya oo sita boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo lagaga soo horjeedo sharcigan cusub ee lagu hor istaagayo dadka soo galootiga ah aya waxaa ay sidoo kale ku dhawaaqayaan hadallo ay ku diidan yihiin go`aankan uu qaatay madaxweyne Trump.
CAALAMKA SIDUU UGA HADLAY GO`AANKA TRUMP:

Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday Trump inuu sii wado soo dhoweynta qaxootiga, ayadoo aan la eegeyn jinsiyadooda, dalka ay ka soo jeedaan iyo diintooda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa sheegay in go’aanka uu yahay wax laga walaaco. “Waa shaqadeena inaan qaabilno qaxootiga ka soo cararaya dagaallada, dulmiga.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel, wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Yurub ay isku mid ka yihiin aragtida “reer galbeedka” ee xuriyadda iyo dimuquraadiyadda, oo ay ka mid tahay difaaca xuquuqda dadka ka qaxaya
colaadaha iyo in la difaaco dadkaas. “Waxaan u maleynayaa in arrinta na kulmisa ay tahay Galbeedka, waana taasi midda aan u cadeyneyno Mareykanka.”

Madaxweynaha Iraan Xasan Ruuxaani ma uusan soo qaadin Trump magaciisa, laakiin wuxuu sheegay: “Maanta maaha xilliga gidaar lagu kala jaro dalal. waxay ilaabeen in derbigii Berlin uu dumay sanado ka hor,” Ruuxaani ayaa intaa ku daray in “Maanta ay tahay xilligii nabadda si wada jir ah looga shaqeyn lahaa, balse aanan la joogin waqti keli la noqdo oo dalalka kale laga fogaado.” Iraan waxay ka mid tahay dalalka uu Trump saaray 90-ka maalmood ee xanibaadda.

Laakiin madax weynaha Czech Republic, Milos Zeman, ayaa amaanay go’aanka Donald Trump. Afhayeenkiisa ayaa sheegay, “Madaxweynaha Mareykanka wuxuu difaacayaa dalkiisa, wuxuu ka walaacsan yahay bad-qabka shacabkiisa. Dabcan waa arrinta ay sameyn la’yihiin hogaamiyayaasha Yurub”

Hogaamiyaha diida dadka Muslimiinta ee Natherland, Geert Wilders wuxuu yiri: “Tallaabo wanaagsan ayaa qaaday madaxweyne, waa sida keli ah ee lagu nabad gali karo. Aniga sidaas oo kale baan sameyn lahaa. Waxaan rajeynayaa inaad dalal kale oo Muslimiin ah ku dari doonto sida Sucuudiga,”

Hay’adda caalamiga ah IRC waxay go’aanka Trump ku tilmaamtay mid “saameyn degdeg ah yeelanayo”, oo sidoo kale saameynaya kumannaan qof oo aan dhib geysan.

Amnesty International Waxay ku tilmaamtay mid “Laga argagoxo oo cawaaqib xumo yeelanaya”

Human Rights Watch Waxay sheegtay in amarka uu dhabar jab ku yahay qaxootiga “wyna yartahay in sidaas wax looga qabto argagixisada iyo dhibaatooyiinka kale ee sababa amni xumada”

Leonard Doyle, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOM wuxuu BBC-da u sheegay in Trump uu xaq u leeyahay inuu bedelo shuruucda soo galootiga ee dalkiisa, balse ay muhiim tahay in qaxootiga iyo Tahriibayaasha weli la difaaco.

Jan Egeland oo ka tirsan hay’ada qaxootiga ee Norway NRC wuxuu wakaaladda wararka ee AP u sheegay: “Go’aankan Mareykanka kama dhigidoono meel amni ah, wuxuu Mareykanka ka dhigayaa meel aan jirin oo dulleysan”

Ururka Qareenada u dooda soo galootiga Mareykanka wuxuu sheegay: “Luqadda lagu isticmaalay dikreetada waxay u muuqataa in la bartilmaameedsanayo dadka caqiiqadooda Islaamka tahay.”

Malala Yousafzai, oo u ololeysa waxbarashada, kuna guuleysatay abaalmarinta nabadda ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay “niyad jab weyn” waxayna ka dalbatay inuusan ka fogaan caruurta iyo qoysaska aan caalamka ku haysan cid difaacda.

Google waxay hakisay shaqaaleheeda Muslimiinta ah ee dibadda ka soo safri lahaa. Shirkadda waxay BBC-da u sheegtay inay ka walaacsan tahay tallaabada oo Mareykanka ka xanibeysa dad badan oo xirfadlayaal ah.

Idale News Online, New York